LA DAGAALANKA SHABAAB, XAQIIQ MISE MADADAALO
La dagaalanka Shabab, Xaqiiq iyo Madadaalo.
Dowladda Somalia ayaa markale ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Kooxda Shabaab kadib qaraxii xoogana ee 14 octobar ka dhacay isgoyska Zoobe, Dad badan ayaa is weydina dhab ahaanshiyaha dagaalka lagula jiro kooxda AL Shabaab ayagoo shaki badan ku muujinaya arinkaas.
intii u dhaxeysay 2004 ilaa 2010, ayuu Madaxweynihii hore ee Yemen Ali Abdalla Salax 6 dagaal oo kala gadisan ku qaaday kooxda Xuuthiyiinta oo markaas dalbanayay in dowladda lagu sameeyo dib u habeyn siyaasadeed, Mr Saalax ayaa ku andacooday in Dowladda Iran ey taageerto kooxda Xuuthiyiinta ee shiicada ah, si uu taageero dhaqaale ugu helo dowladda Sacudiga iyo dowladaha kale ee Khaliijka kuwaas oo Xasaasiyad aad u weyn ka qaba Dowlada shiicada ah ee Iran, sidoo kale Madaxweyne Saalax ayaa taageero ka dalbaday dowladda Mareykanka oo aad u caawisay Sagaashamaadkii kolkii uu iclaamiyay dagaal ka dhan ah uruka AL Qacida.
Hogaamiyayaal sar sare oo ka tirsana ciidanka Yemen aya goor dambe daaha ka qaaday in madaxweyne Saalax eysan dhab ka aheyn baabi'inta Kooxda Xuutiga waxeyna hadalkooda ku cadeeyeen in mar walba oo ciidanka u dhawaado in ey ka taqalusaan kooxda ey soo bixi jireen amaro deg deg ah oo loogu sheegayo in ey dib uga soo laabtaan dagaalka.
Howlgalka Midowga Africa ee Somalia AMISOM oo tiradooda lagu qiyaaso 22,000 oo askari ayaa ka howl galayay Somlia laga soo bilaabo 2007, Midowga yurub oo ku dhawaad 90% bixiya qarashaadka ku baxa AMISOM ayaa bixiyay €1.05billion sanadihii u dhaxeyay 2007 iyo 2016, Askariga ka tirsan AMISOM ayaa mushaar ahaan u hela $1028 bil walba.
10 sano kadib 2017 waxaa wali gobollo kamid ah somalia ka taliya kooxda Shabaab, ayagoo weeraro isugu jira qaraxyo iyo is miidaamin ku weerara casimada Gudaheeda iyo Goobo ka baxsan Caasimada, AMISOM, Dowladda Federlka Somalia iyo Dowladda Mareykanka oo weeraro cirka ah la beegsato hogaamiyayaash kooxdan ayaa wali ka adkaan la Shabaabka, dad badan ayaa aamisan in AMISOM eysan dhab ka aheyn cirib tirka kooxda Shabaab, ayagoo lagu eedeyo in ey dhaqaalo badan ka sameeyaan Somalia, AMISOM ayaa dhowr jeer oo hore dib uga baxday goobo muhiim ah oo ey kala wareegtay Shabaabka ayagoo aan wax la tashi ah kala sameyn dowladda Somalia.
Dad badan ayaa rumeysan in dhaqaalaha xoogan ee ku baxa AMISOM looga maarmi karo in dib u dhis lagu sameeyo Ciidanka Xooga Somaliyeed, kuwaas oo aan tababar hagaagsan helin 25-ki sano ee ugu dambeeyay.

This comment has been removed by the author.
ReplyDelete