Posts

LA DAGAALANKA SHABAAB, XAQIIQ MISE MADADAALO

Image
La dagaalanka Shabab, Xaqiiq iyo Madadaalo. Dowladda Somalia ayaa markale ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Kooxda Shabaab kadib qaraxii xoogana ee 14 octobar ka dhacay isgoyska Zoobe, Dad badan ayaa is weydina dhab ahaanshiyaha  dagaalka lagula jiro kooxda AL Shabaab ayagoo shaki badan ku muujinaya arinkaas. intii u dhaxeysay 2004 ilaa 2010, ayuu Madaxweynihii hore ee Yemen Ali Abdalla Salax 6 dagaal oo kala gadisan ku qaaday kooxda Xuuthiyiinta oo markaas dalbanayay in dowladda lagu sameeyo dib u habeyn siyaasadeed, Mr Saalax ayaa ku andacooday in Dowladda Iran ey taageerto kooxda Xuuthiyiinta ee shiicada ah, si uu taageero dhaqaale ugu helo dowladda Sacudiga iyo dowladaha kale ee Khaliijka kuwaas oo Xasaasiyad aad u weyn ka qaba Dowlada shiicada ah ee Iran, sidoo kale Madaxweyne Saalax ayaa taageero ka dalbaday dowladda Mareykanka oo aad u caawisay Sagaashamaadkii kolkii uu iclaamiyay dagaal ka dhan ah uruka AL Qacida. Hogaamiyayaal sar sare oo ka tirsana ciidanka Yemen ay...